Culimadda gobalka Nugaal oo 25.000$ oo Deeq ah la soo gaarsiiyay (Masawiro)

November 18, 2013 - Written by Editor

6Garoowe:-Waxaa weli si xowli ah u socda gurmadka ay walaalaha Muslimiinta ee Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahood ay duufaanada ku dhufteen iyaga oo taakuleynta iyo gurmadka ku aadinayey culumada deegaanada Puntland waxaana maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland Guddiga gurmadka ee culimadda Gobolka Nugaal waxaana ay warbaahinta u soo bandhigeen lacag ay soo direen jaaliyada Puntland gaar ahaan magaalada Aarhus oo gaareysa 25.000-kun oo doolarka Maraykanka ah.

Guddiga culimadda ayaa waxay ku qabteen shir jaraa’id Masaajidka Al-Hudaa ee magalada Garoowe waxayna mahad balaaran u celiyeen jaaliyada Puntland ee magaalada Aarhus ;waxaana ka mid ahaa culumadii warbaahinta la hadashay Sheekh Cabdi Qani Qorane iyo Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxayana duco iyo bogaadin u direen dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelba ay joogaan gurmad aan kala har lahayn u soo diray walaalahood ku cayrtoobay roobabkii iyo duufaanadii ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sidoo kale la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in guddiga culimadda Gobalka Nugaal ay ka gudoomeen lacagahii la soo dhigay shirkadaha Xawaalada ee kala ah Tawakal iyo Amal .

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Axmed Madaxa Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobalka Nugaal waxaana uu ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa in ay ka daalin gurmadka qoysaska ay dhibaatadu gaartay .

Culumada iyo waxgaradka ayaa wili si xowli ah u wada gurmadka loo fidinayo shacabka ay duufaanada ku dhufteen waxaana maanta dib ugu soo laabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari culumo iyo waxgarad waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay la hadlaan warbaahinta.

no images were found

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta inshalaah codadka Culumada

Halgan.net
Garowe

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online