Raisulwasaaraha DFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Ururka Islaamka (Masawiro)

November 19, 2013 - Written by Editor

IMG_6875Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada  Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday ururka Islaamka iyo hay’ad lagu magacaabo Al Raya International, waxayna wafdigani uga warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha qodista ceelel biyood gaarayay 50 oo ay ka qodeen gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Rami Al Shamsi, waxaana sidoo kale ka mid ahaa xubaha wafdiga Dr. Ahmad Mohamed oo ah wakiilka Soomaaliya ee ururka Islaamka, iyo sidoo kale Mubarak Bakramun oo ka socday hay’adda Al Raya, iyaga oo xubnaha wafdigani sheegay in wajiga hore ee ay ku qodeen 50 ceelal, balse wajiga labaad ay qodi doonaan 100 ceel, dadka ku nool goboladu ay u helaan biyo ku filan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna uga mahadceliyay wafdigan howsha baaxada leh ee ay ka wadaan dalka, isaga oo kula taliyay in si deg deg ah ay u bilaabaan wajiga labaad ee qodista ceelashan, maadaaba buu yiri baahi weyn ay u qabaan dadka ku dhaqan gobolada helista biyo.

“Dagaalada iyo isku dhacyada ugu badan ee ka dhaca dhulka Miyiga ah waxay salka ku hayaan biyo yaraanta iyo goobaha biyaha sida ceelasha wara-biyoodyada, sidaasi owgeed waa muhiim in loo helo ceelal biyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in haddii dadku ay helaan biyo ku filan la helayo nabad iyo deganaanshiyo.

Garad Salad

Press officer
Mogadishu

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online