Bulshada iyo Culimo’udiinka Gobolka Sool oo gurmad soo gaarsiiyey Garoowe.(Masawiro/Video)
November 19, 2013 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa maanta gurmad balaaran oo iskugu jira lacag iyo raashin iyo agabyo kale soo gaarsiiyey gudiga Gurmadka culumada ee gobalka Nugaal bulshada , culimo’udiina iyo waxgaradka ku dhaqan Gobolka Sool.Gudoomiyaha gudiga gurmadka Gobolka Sool Sh.Axmed Maxamed Suleymaan iyo Sh.Aadan Weli ayaa ku wareejiyey deeq kala duwan oo ka timid gobalka Sool kuwaas oo ay ugu deeqeen walaalahood ku ceyrtoobay duufanada ku dhuftay Goboladda Nugaal, Karkaar iyo Bari.
Gudiga gurmadka culumada gobalka Nugaal ayaa deeqda ka timid gobalka Sool waxay kula wareegeen gudiga gurmadka Gobolka Nugaal oo uu Madaxa u yahay Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf , Shiikh Dalmar Guureeyey, Sh Cabdirashiid Maxamed Ismail, Shiikh Cabdi Qani Qorane , culimada iyo waxgaradka Gobolka Sool ayaa deeqdaan ay wareejiyeen waxaa ay gaaraysay lacag dhan ilaa $26.000 kun oo doollar iyadoo goobta lagula kala wareegay deeqdaan ay ahayd Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaalada Garoowe.
Deeqda ay maanta ay wareejiyeen culimada magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka sool ayaa waxaa kale oo kamid ahaa ilaa 2 gaari oo ay saarnaayeen ,Sonkor, Bur, Bustayaal, Baco iyo Maacuun. Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka culumada ee Gobalka Nugaal Sheekh Maxamed Xaji Yuusuf ayaa mahad balaaran u celiyey dhamaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool iyo dhamaan culumada iyo waxgardka u kacay gurmadka walaalahood dhibtu gaartay.
Hoos ka Daawo Bulshada iyo Culimo’udiinka Gobolka Sool oo gurmad soo gaarsiiyey magaalada Garoowe
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net