Culimo’udiinka ka yimid Uganda oo deeq lacageed sidday oo gaaray Garoowe

November 20, 2013 - Written by Editor

culimoGaroowe:-Waxaa caawa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal wafdi culimo iyo ducaad ah kuwaas oo ka soo kicitimay  dalka Uganda si ay tabarucaad iyo deeq lacageed oo ay Jaaliyad Soomaaliyeed ee dalka Uganda ugu deeqeen dadkii walaalahood ahaa ee dhibaatadu ka soo gaartay roobabkii watay dabaylaha iyo duufaanta ee ka dhacay degaano ka tirsan Puntland.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ayaa ka mid ah jaaliyaadka ugu horeeyey ee si hagar la’aan ah uga qayb qaatay gurmadka loo fidinayey dadka dhibku gaartay, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda oo ay horkacayaa culimada ayaa aruuriyey deeq lacageed oo dhan ilaa 60.000 dollar.

Culimada ayaa maanta waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf axmed ee magaalada Gaalkacyo , waxaan culimada ka yimid dalka Uganda ka mid ah Sheekh Maxamed C/Casiis Ducaale iyo Sheekh Maxamed C/wali C/laahi oo iyagu isla maanta u soo gudbeen magaalada Garoowe iyadoo culimada magaalada oo uu hogaaminayo Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ay ku soo dhaweeyeen duleedka magaalada Garoowe.

Culimada iyo ducaada ka yimid dalka Uganda ayaa waxaa la filayaa in deeq lacageed ay ku wareejiyaan gudiga gurmadmka culimada dhawaan haddii alle idmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online