Mooshinkii laga keenay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo dib loo dhigay
November 24, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Kulanka baarlamanka DFS ayaa maanta waxaa lagu soo gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Ra’isal wasaare Saacid waxaana mooshinka soo gudbiyey xildhibaano gaaraya 168 waxaana ka dhashay buuq.
Gudoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka hor akhriyey ajandaha kulanka kaas oo ah Mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan DFS mooshinkaas oo ka dhanka ah Raisulwasaare Saacid .
Kulanka maanta ee Golaha Baarlamaanka DFS waxaa soo xaadiray ilaa 201 Xildhibaan waxaana loo qeybiyey mooshin ka dhan ah Raisulwasaare Saacid xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan Mooshinka laga keenay xukuumada DFS.
Ka dib markii ay xildhibaanada Akhriyeen Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Raisulwasaare Saacid ayaa waxaa ay xildhibaanada taageersan Saacid ay dalbadeen in magacyada Xildhibaanada keenay mooshinka lagu lifaaqo qoraalka loo qeybiyey Xildhibaanada DFS taas oo buuq dhalisay waxaana golaha isaga baxay taageerayaasha Raisulwasaare Saacid.
Gabagabadii kulanka Xildhibaanada DFS ayaa waxaa soo xiray Maxamed Cismaan Jawaari waxaana lagu balamay in Mooshinka la gudo galo 30 bishan November 2013.waxaana la isku raacay in magacyada Xildhibaanada lagu lifaaqo Mooshinka
A/Cawale
Halgan.net