Ra’iisul wasaaraha DFS oo booqday wasaaradaha warfaafinta iyo kheyraadka

November 25, 2013 - Written by Editor

IMG_7449Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqday xarumaha Wasaaraddaha  Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka iyo Wasaaradda Kheyraadka dalka, waxaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay howlwadeenada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradahaasi, isaga oo ka dhegeystay waxqbadkooda mudada sanadka aheyd ee ay Wasaaradahani shaqeynayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalkaa Soomaaliya ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed iyo agaasiyemaasha wasaaraddahan, waxayna igu horeyntii booqdeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaana Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyey, waxaana xilligaasi ka soconeysay halkaasi howlo ku aadan tabinta iyo qabashada barnaamijyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaarah DFS Saacid ayaa ku ammaanay Wasiirka Warfaafinta Ciilmooge is bedelka iyo horumarinta ballaaran ee uu ka sameeyey mudada sanadka aheyd ee ay Xukuumadani jirtay, wuxuuna xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dawladnimada warbaahinta Qaranka oo ah halka looga tabiyo shacabka waxqabadka iyo horumarka dawladdu sameyneyso.

“Waxaan ku ammaanayaa Wasiirka Warfaafinta talaabooyinkii ay qaaday Wasaaradiisa ee dib loogu howlgelinayay hay’addaha dawladda, sida Boostadii dalka, Soomaali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay waxqabadka mudada sanadka ah ee Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqday xarunta Wasaaradda Kheyraadka dalka, isaga oo warbixino ka dhegeystay qaar ka mid ah agaasimeyaasha wasaaradaasi, waxayna tilmaameen in mudada sanadka ah ay qab teen howlo baaxad leh oo ku aadan horumarinta kheyraadka sida Beeraha, waxsoo saarka gudaha, kalluumeysiga, waxayna xuseen inay heshiisyo wax ku ool ah la gashay Wasaaradu shirkado Caalami ah oo ay ka mid tahay Shirkadda Soma Oil and Gas oo sahmin ku sameyn doonta shidaalka dalka, gaar ahaana qeybta Badda.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha oo booqashadiisan kadib, warbaahinta la hadlay ayaa xusay in intii uu ku guda jiray booqashada Wasaaradahan uu ku soo arkay waxqabad ballaaran oo ay sameeyeen mudadii sanadka aheyd, wuxuuna xusay in dhamaan Wasaaradaha Xukuumada ay sameeyeen horumaro baaxad leh, isaga oo balan qaaday in ay sii laban laabi doonaan waxqabadkooda sanadaha soo socda.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Press officer, PM office

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online