Ciidanka Maamulka KMG ee Jubba oo qarax lagu weeraray magaalada Kismaayo

November 25, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Waxaa galabta uu qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana qaraxa lala beegsaday gaari ay wateen ciidanka Maamulka KMG ee Juba waxaana qaraxa uu geystay khasaaro.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay  xaafadda Guulwade, waxaana qaraxa uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidanka Maamulka KMG ee Juba.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba iyaga oo howlgalo ka bilaabay xaafada Guulwade ilaa haatana lama soo sheegin cid loo soo qabtay in uu ka danbeeyey weerarka.

Gaariga ay wateen ciidanka Maamulka KMG ee Jubba ayaa sidoo kale waxaa gaaray Khasaaro mana jiraan cid ku dhimatay qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online