Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda ee DFS oo ka qeyb galay shirka (CASCF)

November 27, 2013 - Written by Editor
DSC02061China:-Waxaa Magaalada Beijing ee Caasimadda wadanka China ka soconaya maalintii seddexaad shirka labaad ee iskaashiga wadamada carabta iyo China (China-Arab States Cooperation Forum “CASCF”) , kaasoo ay ka qeybgalayaan 60 xubnood oo kala matalaya wadamada carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u fadhiyaan kulanka Wakiilo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga .
 
Shirkani oo uu barbar socdo booqashooyin xubnaha ka qeybgalaya loo geynayo goobo la dalxiis tago ,matxafyada qaranka, magaalooyin fog fog , goobo waxbarasho, xarunta shabakadda Internet-ka China iyo xarumo kale oo muhiim ah , ayaa waxaa ka mid ah goobaha loo dalxiis geyn doono Magaalada quruxda badan ee Tianjin oo ay ku tagi doonaan tareen xowli ku socda , halka magaaada kale ee lagu magacaabo Chongqing ay ugu socdaali doonaan diyaarad, waxaana mudada ay magaalooyinkaasi booqanayaan loo soo bandhigayaa qaab dhismeedka magaalooyinka iyo dekadaha .
 
Agaasime kuxigeenka Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha iyo iskaashiga Caalamiga Mustafa adam dagal iyo Ali Abdi Hoshow oo ah Madaxa Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda ayaa waxa ay jeedinayeen kulamadii is xig xigay ee ku qabsoomayay seddexdii cisho ee la soo gudbay dhismaha Wasaaradda arrimaha dibadda China iyo Hotelada kala ah Crowne Plaza iyo St.Regis  talooyin ku aadan horumarinta Xiriirka Soomaaliya iyo China.
 
Shirkani , ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir ay yeelan doonaan Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Carabta iyo China , kaasoo uu xigi doono shir madaxda wadamadaasi ay isugu imaan doonaan sida qorshuhu yahay .
 
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda.
Halgan.net
 

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online