Xulidda Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo meel fiican mareysa
November 27, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Odayaasha dhaqanka Puntland, ayaa ku howlan soo xulidda xildhibaanada cusub ee baarlamaanka. Odayaasha oo howshan loo xil-saaray, ayaa qoraya liiska xildhibaanada, iyadoo hab qabiil ay ku soo xulayaan, waxaana Odayaasha ay la kulmayaan culeys uga imaanaya dad badan oo beelahooda ka mid ah iyo siyaasiyiin wata dad ay xulufo yihiin.
Nabadoonnada, ayaa marka ay soo xulaan xildhibaannada waxaa loo gudbinayaa isimada, kuwaasoo yeelan doona saxiixa ugu dambeeya ee ay xildhibaannadu Baarlamaanka ku galayaan. Sida aanu wararka ku heleyno, xubno badan ayaa odayaasha beelahooda ka helay oggolaanshaha ay uga mid noqonayaan baarlamaanka Puntland, iyadoo la filayo in bisha soo socota uu baarlamaanku fariisan doono si uu u doorto guddoonka baarlamaanka cusub.
Baarlamaanka Puntland, ayaa ka kooban 66 xildhibaan, waxaana sugeysa howllo culus oo ay ka mid yihiin doorashada guddoonkooda, iyo midda Madaxda Puntland oo dhaceysa bisha 1aad ee sanadka soo socda.
Somalireal+Halgan