Sh Xasaan iyo Xaaskiisa oo Maxkamada la soo taagay eedeyn culusna loo soo jeediyey (Daawo)

April 3, 2014 - Written by Editor

xasanNairobi:-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in maxkamad la soo taagay Sh Xasaan Xusen Aden oo habeen hore laga qabtay Gurigiisa isaga iyo xaas kiisa Fardosa Mohammed Abdi.Warbaahinta dalka Kenya ayaa aad u hadal heysa xariga Xasaan Xusen iyo Xaaskiisa waxaana lagu eedeeyey sida Warbaahinta dalka Kenya qeybaheeda kala duwan ay baahiyeen in wadaadka gurigiisa laga helay Bambaanooyin .

Sheekh Xasaan ayaa waxaa dib loo dhigay Maxkamadiisa waxaana ay Maxakamadu diiday in wax damiin ah lagu sii daayo.

Xeer ilaaliyaha dacwada ku soo oogay Sheekha iyo Xaaskiisa oo la yiraahdo Isaiah Mwiranga ayaa sheegay in Xasaan uu xubin ka yahay Al-Shabaab gurigiisana laga helay labo Bam Gacmeed kuwaas oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Kenya .Qareenka u dooday wadaadka oo la yiraahdo Chacha Mwita ayaa sheegay in dacwa ay dowlada soo diyaarisay wuxuuna codsaday in damiin lagu sii daayo Sheekha iyo Xaaskiisa balse maxkamada ayaa diiday .

Dowlada Kenya ayaa horey dhowr mar u xirtay Sheekh Xasaan Xusen balse waxaa markaan Muuqda in Warbaahinta ay aad u buunbuunineyso qadiyada wadaadka iyo Sirdoonka Kenya oo eedeynta ay u jeediyeen wadaadka ka dhigi karta mid aan cago badan ku taagneyn,balse dhici karta in maxkamada ay mudo qaadato

Hoos ka Daawo Sh Xasaan oo dowlada ku eedeysay in gurigiisa laga helay Bambaanooyin

C/Casiis Maxamed
Halgan.net
Daiylnation

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online