Al-Qaacida maxay u kala jeclaatay Daacishta Soomaaliya iyo Daacishta Shaam ?W/Q C/casiis Maxamed
April 4, 2014 - Written by EditorMuqdsho:-Waxaa maanta lagu baahiyey mareegaha taageera ururka Al-qaacid cod uu leeyahay hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir isagoo ka hadlay xaaladda Suuriya iyo dagaalka dhexmaray xoogga la dagaalamay dowladda Suuriya iyo dilkii ay kooxda dowladda Islaamiga iyo Shaam [Daacish] ku dhishay Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri.
Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamyey dilka kooxda dowladda Islaamiga iyo Shaam [Daacish] ay kula kaceen Sheekh .Abuu Khaalid Al-Suuri oo uu ku tilmaamay geesi in badan dagaal ku jiray kooxda dishayna waxaa uu ku sifeeyey koox Jaahiliin ah isagoo tusaale u soo qaatay dilkii ay kooxdii Khawaarijtu ay kula kaceen Amiirkii Khilaafad Islaamka Cusmaan Ibnu Cafaan iyo Cali Ibnu Dalibرضي الله عنهم .
Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa xusay in Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri ay isku barteen dalka Afganistaan uuna saaxib lahaa Abu Muscab Al-Suuri aqoon fiican uu u lahaa oo mudo laga joogo 10 sanno ka hor ay mar wada xiriireen ka dibna dhowr jeer la xiray ka dibna markii uu kacdoonku ka bilaawday dalka Suuriya uu ku biiray xoogaggii dagaal ka kula jira dowladda dalka Suuriya si dowladda Islaami ah looga hirgeliyo dalka Suuriya.
Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa qiray in Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri uu uga waramay xaaladda dalka Suuriya ayna ka jirto is gaalaysiin badan iyo xadgudub diineed taas oo horey uga dhacday magaalada Bishaawar markii dagaalku uu ka socday dalka Afgaanistaan.
Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa si cad u sheegay in wax socda dalka Suuriya ee gaalaysiinta ah , xaq dhowrid la’aanta culimada aqoonta u lahaa xitaa dagaalka sidda Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri ay ka tarjumayso Jahliga badan ee jira waxaan uu ku booriyey muslimiinta guud gaar ahaan shacabka Suuriya in ay ka fogaadaan in ay qarxiyaan ama bartilmaamsadaan fariisamaha madaxda Mujaahidiinta Suuriya ficilka noocaas ahna uu dan u yahay cadawga Islaamka isagoo ku celiyey in lagu kala baxo shareecad Islaamka kooxda diidan ay tahay mid dulimga wada.
Dhinac kale ayaa Hogaamiyaha ururka Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa wuxuu ka hadlay dilalkii dalka Jazaa’ir loogu geystay culimadii waaweynad ayna u geysteen kooxdii Jamaacal Islaamiya isagoo xusay dilkii Shiikh Muxammad Siciid iyo Cabdur-Razaaq Al-Rajjaam.
Hogaamiyaha Al-Qaacida ayaan wili ka hadlin Daacishta Soomaaliya ee Al-Shabaab gaar ahaan hogaanka Axmed Godane iyo dhibaatada uu ka geystay gudaha Soomaaliya haday ahaan lahay qarax lagu laayo dad rayid ah iyo dilka uu u geystay rag badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab ,Muhaajirii dalka Soomaaliya ku sugnaa una yimid in ay garabsiiyaan Al-Shabaab iyo Culumadii Soomaaliyeed .
In badan ayaa qoraalo iyo Risaalooyin kala duwan ay u direen rag madax ka ahaa Al-Shabaab madaxa Al-Qaaida iyaga oo ka cabanaya dilalka iyo xabsiyada qarsoon ee Axmed Godane waxaana ka mid ahaa raga risaalooyinkaas qoray allaha u naxariistee Sheekh Ibrahim Afgaan ,Abu Zubeyr Al-Muhaajir,Abu YaasirAl-Muqdishi ,Abuu Mansuur Al-Amriki iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kuligood ka qeyliyey inxiraafka hogaanka Al-Shabaab. Halkan ka Akhriso Ibraahim Afgaani oo risaalo u diray Ayman Dawaahiri. Halkan ka Akhriso Abu Zubeyr Al-Muhaajir oo hadlaya mushkilada Godane
Halkan ka Akhriso Abu Yaasir Al-Muqdishi oo baaq u diray Al-Qacida kana hadlaya rag la laayey.
Kooxda Daacish ee dhibaatada badan ka geystay dalka Suuriya ayaa waxay horey talooyin kala duwan u jeedshay wadaado badan oo la dhacsanaa fikirka Al-Qacida waxaana wadaadaas ka mid ah Sh Abu Maxamed Al-Maqdasi,Sh Abu Qataada Al-Fastiini ,Sheekh Cabdalla Al-Muxeysini iyo wiliba hogaamiyaha Al-Qaacida balse talooyinkaas oo dhan wey diideen waxayna qoreen risaalooyin ay ku radinayaan Dr.Ayman Dawaahiri. Abu Maxamed Maqdasi iyo Abu Qataada Al-Falastiini.Halkan ka Akhriso Daacish oo diiday talooyinka culumada
Abu Yaasir Al-Muqdishi oo ka mid ahaa Al-Shabaab culumadooda kana cararay seefta Godane ayaa waxaa daaha uu ka feyday raga sida tooska ah ugu lug leh dilka Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan waxaana ka mid ah:-
1. Axmed Cabdi Godane hogaamiyaha ururka Al-shabaab
2. Mahad Warsame qalay oo loo yaqaan Mahad Karatey ama Mahad Odawaa
3. Maxamed Cabdullaahi Xiiray Abu Cabdalla oo ah waaliga gobolka Sh Hoose
4. Daahir Gacamay loona yaqaan Cabdull Xaq waa Qaadiga guud ururka Al-shabaab
5. Guure Axmed Joofaqlay
6. Cabdicasiis Maxamed Cadde Abu Muscab oo ah afhayeenka dhinac howlgalada Al-shabaab
7. Xassan Afgooye
8. Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal
9. Ahmed abdiqaadir Cabdulaahi oo loo yaqaano Sahal isku dhuuq ama Camuu.[ waa dilay diyaarad mareykan ah ]
10.Maxamed Maxamuud Jaamac (MMJ) loona yaqaano Suldaan
11. Axmed Diiriye Cumar Cabdikariim
12. Kamiin iyo rag kale oo fara badan.
Haddaba Su,aasha is weydiin leh waxay tahay Muslimiinta Shaam iyo Culumadeeda miyaa ka fadli badan kuwa dalka Soomaaliya ? Dhiiga shacabka Muslinka ah ee Suuriya iyo Culumadooda maxaa qaali ka dhigay oo ay Al-Qaacida uga qeylisay ilaa ay kooxda Daacish iska fogeysay !Maxaa dhiiga Ragii ka tirsanaa ururka Al-Shabaab fikirka Al-Qacidana odayaasha u ahaa keenayna Soomaaliya dhiigooda biyo ka dhigay oo uu Dr Ayman uga Aamusay ?
Maxay Al-Qaacida uga jawaabi weyday Cabashada Ibraahim Afgaan, Macalin Burhaan,Abu Mansuur Al-Amriki,Abu Zubeyr Muhaajir oo ahaa Qaaligi u sareeyey Maxkamada Al-Shabaab? Madaxda Al-Qaacida Maxay uga hadli weyday Qaraxyada lagu gumaaday shacabka Soomaaliyeed sida kii Hargaha iyo Saamaha iyo Shaamow. ?Mise Soomaalidu waa Cajam Reer Shaamna waa carab ?
Hogaanka Al-Qacida waa ku saxsanaa in uu dhex galo kooxaha Islaamiyiniita ee ku dagaalamay dalka Suuriya si uu u kala badbaadiyo dhiigooda waana arin waajib ku ah qof kasta oo Muslin ah.Al-Qaacida waxay in badan uga qeylisay muskilada Suuriya ayna indhaha uga laabatay Soomaaliya ma aysan cadeyn .Ma waxay raali ka tagay dilalka ay Al-Shabaab wadaan mise Al-Shabaab baan Al-Qaacida ka tirsaneyn ?
Hoos ka Dhagayso codkii Hogaamiyaha Al-qaacid uu uga hadlay dilkii Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri iyo Xaalada Suuriya
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/w9flz3rm7p/Dr_Ayman.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
W/Q CabdiCasiis Maxamed
Halgan.net