Khudbadihii Jimcaha ee Masjidka Abu Bakar iyo Al-Hidaaya (Dhageyso)
April 20, 2014 - Written by EditorNairobi:-Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Abu bakar Al-sadiiq ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa jeediyey Sheekh Aadan sheekh Cali Saalax waxaa uu si wanaagsan uga hadlay alaha dhowree ahmiyada ay leedahay ducada ,towbada , in dhibaato kasta ay fudeyd ka danbeyndoonto waxaana uu Sheekhu ku booriyey umada Soomaaliyeed in ay alle u laabtaan oo ay ka tooban keenaan dunuubta iyo dulmiga
Hoos ka dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Abu bakar Al-sadiiq ee magaalada Nairobi Sheekh Aadan Sh.Cali Saalax
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Khudbadii-_Jimcaha.mp3]Waxaan idiin soo gudbineynaa khudbadii jimacaha ee Masjidka Al.Hidaaya waxaana khudbada maanta jeediyey Sheekh Maxamuud Shible waxaana uu sheekha khudbadiisa uga hadlay dhibaatooyinka haysta Musliminta dunida daafaheeda ku nool asago si gaar ah oga hadlay xalada ee ku jiraan muslimiinta kenya khasatan soomaalida.
Sheekh Maxamuud Shible ayaa khudbadiisa waxaa uu sheekhu ku sheegay in waxa malmahan socda ay asbaab leeyihin, waxaana ka mid ah asbaabaha u sheekhu tilmamay. 1.Dunuubta iyo macaasida oo badatay.
2.kala qaybsanaanta iyo is dabar gooyada dhaxdeena kajirta
3. jahil waxmagarato ah ee dhibka qeybta ka ah waxaa uu sheekhu tilmaamay in asbabahan ay ledahay jid looga baxo hadii ay dadku gartaan dhibka laga bxayo.
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Sheekh Maxamuud Shible Xafidahaulaah uu kaga hadlay dhibka Soomaalida ku heysta Kenya
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Shible.mp3]N:B Waxaan u mahad naqeynaa dhamaan walaalihii nala soo xiriiray ee nagu wargaliyey in khudbadaha aysan daarmeyn alle khayr badan ha siiyo