Madaxweynaha dalka Burundi, H.E. Pierre Nkurunziza oo Muqdisho Yimid.[Masawiro]

April 22, 2014 - Written by Editor

BURUNDI-PREZ12Mogadishu‬,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sh. Maxamud ayaa maanta soo dhoweeyey Madaxweynaha Brundi, H.E. Pierre Nkurunziza, oo uu yiri “Ciidanka Burundi ee AMISOM waxey kaalin muhiim ah ka qaateen horumarka isbedelka Somalia.” Madaxweynaha Brundi ayaa maanta sidoo kale kulan la qaadan doono Taliyaha ciidanka AMISOM Lt. General Silas Ntigurirwa, isagoo booqan doono goobaha ciidanka Brundi joogaan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan Madaxweynaha Brundi ku soo dhoweeyo Muqdisho. Ciidanka Burundi ayaa nala joogay tan iyo December 2007, mana illaabi karno dadaalkooda dib u soo celinta amniga Somalia iyo sida ay naftoodu ugu horeen oo ay dhiigooda noo hureen si dalka uu nabad u noqdo.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mudadii ay ciidanka Brundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaaran baa la sameeyey, Muqdisho oo kooxahii nabad-diidka laga saaray, oo maanta Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh. Sidoo kale gobollo fara badan ayaa gacanta Al-Shabaab laga saran sida Baydhabo, Kismayo, Marka, Jowhar, Beledweyn, Xudur, iyo goobo kale. Ciidanka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaarsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh ciidamada Brundi iyo kuwa kale ee Afrika ee noo soo gurmaday.”

no images were found

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waxaan sii xoojin doonaa xiriirka labada dal, bacdamaa ay Somalia sameynesyo horumar isuna diyaarineyso in dalka ay doorashooyin ka dhacaan 2016. Waxaana mahad gaar ah u soo jeedineynaa wallaalaheen Brundi dowladooda iyo shacabkoodaba.”

DHAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so engabdirahman@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online