Wasiirada Arrimaha Dibadda DFS oo socdaal shaqo ugu ambabaxay dalka Tunisia.
April 25, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta u ambabaxay caasimadda Tunis ee wadanka Tunisia kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen isaga iyo wafdigiisa bankiga horumarinta Afrika iyo dowladda Tunisia .
Wafdiga oo uu ku jiro Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane iyo xubno kale ayaa waxaa lagu wadaa mudada ay joogaan wadanka Tunisia inay la kulmaan H.E. Donald Kaberuka oo ah Madaxweynaha Bankiga horumarinta Afrika, qaar ka mid ah madaxda waaxyaha kala duwan ee bankiga,Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia H.E. Mongi Hamdi ,Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda H.E. Hakim Ben Hammouda iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shir jaraa’id maanta ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho kahor inta aanu ka ambabixin isaga iyo wafdigiisa , ayaa waxa uu sheegay in madaxda bankiga horumarinta Afrika ay kala hadli doonaan fududeynta deeqaha maaliyadeed ee ay ugu talagaleen wadanka Soomaaliya ,iyadoo qaar ka mid ah Wasiirada dowladda Tunisia ay u bandhigi doonaan hindise cusub oo horumarinaya xiriirka labada dal , kana qeyb qaadanaya kobaca dhaqaale iyo maalgashi .
Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa waxa uu xusay in socdaalkooda wadanka Tunisia kadib ay u gudbi doonaan wadanka Iskutagga Imaaraadka Carabta oo ay kaga qeybgali doonaan shir ku saabsan maalgashiga.
no images were found
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa waxa uu carabaabay in ay la kulmi doonaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan iyo Wasiiro kale, ayna kala hadli doonaan fulinta mashaariic horumarin oo dib u dhiska iyo maalgashiga dalka ku qotoma , waxaana uu yiri “ waxaan rajeynayaa in booqashooyinkeena shaqo ay ku dhammaadaan guul iyo is afgarad”.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations