Kenya oo sheegay in weerar xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Lamu lagu dilay 29 qof

July 6, 2014 - Written by Editor

Lamu-Kenya-011Nairobi:-Waxaa mar kale ka dhacay  2 weerar oo is xigay gobolka Xeebta ah ee dalka Keya gaar ahaan deegaannada Hindi iyo Tana Delta oo ka tirsan magaalada Lamu. wararka oo baxaya ayaa sheegay in weerarku uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac Dableydaan Hubeysan ayaa waxaa la sheegayaa in iaa 9 qof ay ku dileen  weerarka ay ka geysteen deegaannada Hindi iyo Tana Delta halka ilaa 20 ruux ay ku dileen saldhigga deegaanka Gamba sidda uu saxaafadda u sheegay Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya Mwenda Njoka.

Waxaa kale oo saxaafadda dalka Kenya ay baahiyeen in qof dalxiisa ah oo u dhashay dalka Ruushka ay koox hubaysan ay ku toogteen magaalada xeebta ah ee Mombasa ayna u geysteen dhaawac. Weerarka ka dhacay deegaannada Hindi iyo Tana Delta oo ka tirsan magaalada Lamu ayaa waxaa mar kale sheegtay kooxda Al-shabaab in ay iyagu fuliyeen, Saraakiisha ciidanka Kenya iyo Madaxda dalkaas ayaa waxaa ay horay u sheegeen in weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay bishii hore Mpeketoni aysan ka danbayn Al-shabaab balse ay ka danbeeyeen siyaasyiin ka soo horjeeda dalka Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online