Sh. Maxamuud Shibli oo dhallinyarada Nairobi uga jawaabaya su’aallo diini ah [Daawo]
July 7, 2014 - Written by EditorNairob:-Masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa ka socda siminaar diini ah, kaasoo socon doona labaatnka hore ee bishan Ramadaan. Siminaarka oo sanad walba la qabto, ayaa waxaa isku soo duwa ururka dhallinyarada ee PEACE AND AWARNESS YOUTH GROUP (P.A.Y) kaasoo ka shaqeeya in dhallinyarada lagu wacyi geliyo waxyaabah wanaaggooda ah, lagalana dadaallo iney u beyeraan dhinaca khaldan. Siminaarka, ayaa waxaa lagu bixiyaa casharo diini ah, kuwaasoo ay soo jiidiyaan culimo loo soo xulay, waxaana todobaadka dhammaadkiisa dhallinta la siiyaa muxaadaraad ay bixiyaan culimada, waxaana sidoo kale la siiyaa fursaad ay su’aallo ku weydiiyaan culimada, loogana jawaabo masaa’isha ay doonayaan.
Siminaarka ayaa waxaa ka faa’iideysta dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho, iyadoo ciddii ka faa’iideysaneysa da’ wa;ba ha ahaatee loo oggol yahay.
Su’aallihii dhallinyaradu weydiiyeen Sh. Shibli toddobaadkan hoos ka daawo
Halgan.net