Taliyaasha laamaha ammaanka ee DFS oo xilka laga xayuubiyey iyo wasiirka Amniga oo la magacaabay (Dhageyso)

July 9, 2014 - Written by Editor

dhuxulowMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xilka ka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka booliska Jen Cabdixakiin Daahir Saacid iyo agaasimaha hey’adda nabad sugidda DFS Bashiir Maxamed Jaamac,(Bashiir Goobe) kadib weerarkii xalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta DFS Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in taliye cusub loo magacaabay Booliska DFS waxaana loo magacaabay Jen Maxamed Sheekh Xasan ismaaciil sidoo kale waxaa loo magacaabay agaasimaha hey’adda nabadsugidda si KMG ah G/sare Maxamed Cabdullaahi Xaamud, oo ku xigeen u ahaa Bashiir Goobe.

Wasiirka warfaafinta DFS Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cabdiweli uu amaray in taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir ay si toos ah u hoos tagaan guddoomiyaha gobolka Banaadir Jen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Madaxda DFS ayaa ku fashilmay in ay sugaan amaan guud ee magaalada Muqdisho iyo xarumaha DFS waxaana magaalada Muqdisho ay kooxda Al-Shabaab ee uu amiirka u yahay Axmed Godane ku dileen saraakiil ,askar ka tirsan DFS iyo shacab rayid ah .

Waxaa sidoo kale xilka wasiirka amniga qaranka ee DFS loo magacaabay Jen Khaliif Axmed Ereg. oo ahaa aliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir .

Hoos ka Dhageyso shir jaraa’id uu ku qabtay maanta magaalada Muqdisho Mr Dhuxulow wasiirka Warfaafinta.

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/s2k9kwwjb2/dhuxulow.mp3]

ama Halkan Mp3

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online