Sh. Maxamed Sh. Cismaan oo ka warbixiyey Jaamacadda Islaamiga ah ee Raaf.[Daawo Video-ga]
July 10, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sh. Maxamed Sh. Cismaan, oo ah aasaasaha Jaamacadda Islaamiga ah ee Raaf, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Taleefishinka Somalichannel, gaar ahaan barnaamijka wacyo, waxa uu kaga warbixiyey sidii ay ku bilaabatay jaamacadda iyo heerka ay hadda mareyso, wuxuuna carrabka ku dhajiyey in weli ay socoto howl lagu balaarinayo. Sheekha, ayaa sheegay in hadafkiisu uusan ahayn inuu dhaqaale kaga helo jaamacadda, wuxuuna taas bedelkeeda sheegay inuu isagu kharash ku bixiyo sidii ardada muslimiinta ah ay uga faa’iideysan lahayd jaamacadda. Sh. Maxamed, ayaa sheegay in dalka Kenya, dadkiisu markii hore muslim ahaayeen, laakiin gadaal laga gaaleysiiyey in badan oo ka mid ah, wuxuuna sheegay in dad badan ay isaga sababtiis ku soo galeen diinta islaamka.
Sheekha, ayaa sheegay inuu qorsheynayo in gudaha dalka Soomaaliya, uu ka hirgeliyo jaamacad weyn, balse wuxuu ka gaabsaday inuu shaaciyo halka iyo xilliga howshaas, wuxuuse rajo fiican ka muujiyey in howshaas ay u qabsoomi doonto, haddii Illaahay idmo.
Ugu dambeyntii, sheekha, ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu kula daardaarmay iney dalkooda aaminaan, kana haraan tahriibta iyo ka haajiridda daalkooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka aqoonta lehna looga baahan yahay iney dhallinta u abuuraan shaqooyin iyo waxbarasho.
Hoos ka Daawo Sh. Maxamed Sh. Cismaan oo ka warbixiyey jaamacadda islaamiga ah ee Raaf
Somalichannel/Halgan.net