Madaxda Puntland oo baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya[Dhagayso]

July 24, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasGaroowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa waxaa uu tacsi ka diray geerida ku timid Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maalintii shalay koox hubaysan ay ku dileen magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa uu sheegay in uu tacsi gaar ah u diray ehelada Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo mid guud oo uu u diray shacabka reer Puntland.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa codsi uu u jeediyey madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno kooxdii dilka u geystay Xildhibaanada Saado Cali Warsame iyo kuwii soo abaabulayba dilkeeda.

Madaxwaynaha Dr.Gaas ayaa sheegay Saado inay ahayd qof inta badan u dooda dad la dulmiyo iyadoo markaas fikrigeeda ku soo bandhigta qaab Suugaaneed, Dhinac kale waxaa dilka Xildhiabaanad Saado Cali Warsame tacsi ka diray Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdilaahi Camey isagoo ka codsaya in dadka Soomaaliyeed ay iska cafiyaan.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweynaha DGPL Dr.Gaas

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/n216arqmse/Gaassaado.mp3]

Halkaan ka dhagayso MP3

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweyne ku xigeenka DGPL Eng Camey

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/32ahvb2ntu/Cameysaado.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online