Machadka Al-furqaan Buuhoodle oo soo dhaweeyey wefdi ka socda Machadka Galdogob.[Masawiro]
August 5, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Ka dib shirweyne ka dhacay magaalada laascaanood oo ay isugu yimaadeen ardayda ka qalin jebisay 12 machad oo soomaaliya ku yaal waxaa lagu dhisay dalad ay yeeshaan ardayda ka qalin jebisay Macaahidda shareecada ee Soomaaliya oo hoos taga raabidada macaahidda soomaaliya, uuna gudoomiye u noqday C/raxmaan Xasan Diike oo ka qalin jebiyey machadka ibnu xajar Boosaaso.
Dhinaca kale shirka laascaanood waxaa lagu walaaleeyey labo labo macaahidii ka soo qayb gashay shirka Laascaaanood, macaahidii la walaaleeyey waxaa ka mid ahaa Machadka Al-furqaan Buuhoodle iyo Imaamul bukhaari Galdogob. Haddaba walaalha reer Buuhoodle waxay martigelin siiyeen walalahood Galdogob iyada oo uu goobjoog ahaa Sh.Axmed Cabdisamad iyo Sh.Cabdishaafi Axmed Cali.
Dhamaan ardayda iyo qalinjebiyeyaasha Macahadka Al-furqaan waxay si diiran u soo dhaweeyeen walaalahood reer Galdogob iyaga oo 10 km kagala soo wareegey gaadhigii ay la socdeen kuna soo qaaday baska Jaamacadda Bariga Africa ee Buuhoodle, waxayna dejiyeen hotel cabdiguray plaza Buhoodle. Intaa ka dii waxaa kulaqn soodhaweyn iyo isbarasho ah loogu qabtay xarunta machadka umu salama, waxaa isguna soo gaadhey buuhoodle gudoomiyaha cusub ee dalladda ardayda ka qalinjebisay macaahidda shareecada ee soomaaliya mudane C/raxmaan Xassan Diike taasoo noqonaysa booqashadii ugu horeysey ee uu sameeyo tan iyo intii loo magacaabay xilka gudoomiye nimo ee shirkii laascaanood.
Dhalinyarada reer Galdogob ayaa kala ahaa:–
1- Bishaar Axmed Cali Nuur.
2- Jaamac Maxamud Xoosh Maxamed.
3- Cabdilaahi Cabdirisaaq Axmed.
Wixii booqashadaas la xiriira waxaad kala socondoontaan wararka danbe.
no images were found
C/kariim C/llaahi
Lascanod,Somalia