Mu’tamarkii Xagaaga ee sanad walba ka dhici jiray dalka Swedan oo shalay bilawday.[DaawoVideo]

August 8, 2014 - Written by Editor

3Stockholm:-Waxaa maalintii shalay si rasmi ah uga bilaawday magaalada Stockholm/Sweden Mu’tamarkii Xagaaga ee sanad walba ka dhici jiray dalka Swedan. Mu’tamarkan oo ah kii 22aad, waa midka ugu da’da weyn mu’tamaraadka ay qabtaan jaaliyadaha Soomaalida meel walba ooy joogaan waxaana iska leh qaban qaabadiisa Ururada Islaamiga ah ee wadamada Skandinavian-ka.

Mutamarkaan oo ay ka qayb galayaan culamo kale duwan ayaa waxaa muxaadaraadkii ugu horeeyey shalay ka jeediyey Sh. Maxamed Cabdi Umal oo ka yimid dalka Kenya iyo Dr. Sh. Maxamud Abdiraxman (Hoori) oo ka yimd dalka Saudi Arabia. Mutamarkaan ayaa waxaa uu socon doonaa maalmaha Khamiis, Jimco, Sabti iyo Axad waxaana ka qayb galaya culimo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-
1- Dr. Sh. Cali Maxamed Salax Norway

2- Sh. Maxamed Cabdi Umal Kenya

3- Sh. Maxamed Idiris Saudi Arabia

4- Sh. Yusuf Axmed Sweden

5- Sh. Mustafe Xaaji Ismaciil Somaliya

6- Sh. Cabdiraxman Abyad Danmark

7- Sh. Saciid Raage Canada

8- Sh. C/wali Maxamed X Yuusuf Finland

9- Dr. Sh. Maxamud Abdiraxman (Hoori) Saudi Arabia

10- Dr. Sh. Haaruun Cabdiraxmaan Saudi Arabia

Hoos ka Daawo Alle wuxuu inoogu yeerayaa guri nabadeed Dr. Sh. Maxamud Abdiraxman (Hoori)

Hoos ka Daawo muxaadaradii Aayadaha kowniga ah Sh.Maxamed Cabdi Umal

Maamulka Mutamarka
Swedan, Halga.net

3

Leave a comment

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online