Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo la weydiiyey su’aallo muhiim ah[Daawo]
August 13, 2014 - Written by EditorNairobi:-Barnaamijka Wacyi ee taleefishinka Somalichannel, ayaa waxa toddobaadkan marti ku ahaa guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, Sheekh Dr. Bashiir Axmed Salaad. Barnaamijka toddobaadkan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana sheekhu kaga sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martaya dacwada. Sh. Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu barnaamijka kaga warramay waxyaabaha jamaacada Ictisaam uga duwan tahay jamaacaadka kale, iyo waddada ay qaadeyso, wuxuuna sidoo kale ka hadlay waxyaabihii ka khaldamay jamaacaadka islaamiga ah ee Soomaalida.
Wariye Maxamuud Dulyaddeyn, ayaa alaaba barnaamijkan waxa uu ku casuumaa bulshada qeybahooda kala duwan, gaar ahaan dadka hadalkoodu meesha fog gaarayo, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin, waxaana ka mid ah:-
1-Culimada
2-Aqoonyahannada
3-Suugaanyahanka
4-Siyaasiyiinta
5-Dhakhaatiirta
Hoos ka Daawo barnaamijka wacyi Sh Dr Bashiir Axmed Salaad
Halgan.net/Somalireal
Somalichannel