Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo BBC-du ay waraysi la yeelatay.[Dhagayso]
August 13, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo ka soo jeeda Gobalka Sool ayaa waraysi uu siiyay BBC waxaa uu sheegay in uu yahay oday Soomaaliyeed oo ka shaqayn doono nabad iyo in khibradiisa maamul laga faa’iidaysto isagoo si cad u sheegay in Khaatumo iyo puntland uu ka tirsan yahay uuna doonayo in si tolnimo ah uu u dhexdhexaadiyo.
Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in markii hore ee Madaxda Puntland ay is qabteen haddan ay ka hishiiyeen oo hadda wax khaldamay la wada sixi doono mar wax laga wiidiiyey Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade arrinta Laascaanood in lagu dhamayn doono wada hadal nabadeed.
Dhanka kale Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in uusan wax jago uusan ka doonayeyn Puntland balse haddii ay u gartaan la arki doono uuna noqon doono oday Soomaaliyeed oo wax ka raadiya dowladda Soomaaliyeed iyo dhisamaha maamulada socda
Hoos ka Dhagayso Waraysiga ay BBC-da la yeelatay Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/rszdxiyg16/Xaabsaadebbc.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net