Banaanbax saaka ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood
August 14, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool banaanbax lagu taageerayo maamulka Khaatumo oo hogaankiisa loo doortay Prof Cali Khaliif, dadweyne dhigayey banaanbax ayaa waxaa rasaas fara badan ku riday ciidanka S/land si ay u kala cayriyaan dadweynaha dhigayey banaanbaxa. Ciidanka Booliska S/land ee magaalada Laascaanood ayaa markii ay ku guulaysan waayeen in ay ha kiyaan banaanbax ay dadweynuhu dhigayeen ay u yeerteen ciidanka Milateriga S/land kuwaas oo hub waaweyn ku riday shacabkii dhigayey banaanbaxa sidda ay soo tabinayaan wariyaasha ku sugan magaalada Laascaanood.
Wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidanka S/land ay dhaawacyo kale duwan u geysteen dadkii dhigayey banaanbax ayna qabteen dad badan oo aan ilaa hadda tiradood si rasmi ah loo shaacin waxaa kale oo dhac iyo boob loo geystay dukaamo ay lahaayeen dad shacab ah.
Ciidanka S/land ayaa waxaa ay xireen dhamaan Koontorolllada magaalada Laascaanood iyagoo ka foojigan in magaalada gudaheeda ay soo galaan taageerayaasha maamulka Khaatumo ee lagu dhisay magaalada Saaxdheer
M_M_Deeq
Halgan.net