Nicholas Kay oo waraysi uu siiyey VOA-da ku sheegay in uu booqan doonaa Puntland iyo S/land.[Dhagayso]
August 15, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da, ayaa waxaa uu warbixin kala duwan ka bixiyey xaalada Soomaaliya, socdaalkii xubnaha Qaramada midoobay ay ku yimaadeen magaalada Muqsisho, xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo hishiiskii dhawaan lagu saxiixay maamul u samaynta Gobolladda dhexe kana dhacay magaalada Muqdisho.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in dhawaan uu socdaal ku tegi doono magaalada Garoowe si uu wada hadal uu ula yeesho madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas si uu ugu sharaxo hishiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Nicholas Kay oo wax laga wiidiiyey hsihiiskii maamul u samaynta Gobolladda dhexe ayaa waxaa uu yiri” Hishiiskii dhawaaan ka dhacay Muqdisho ma ah mid dhaawacay lahaansha dhuleed ee Puntland iyo Midnimadeeda hishiiska waxaaa uu saamayn doonaa dhulka koonfurta Mudug ee ay ka taliso maamulka Gal-Mudug, waa arrin iska cad”.
Hishiiska dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee maamulka loogu samayanayo Gobolada dhexe ayaa waxaa uu ka dhex abuuray khilaaf Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya , Ahlusunaha iyo Puntland.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa xusay in Qaramada midoobey ay dhexdhexaadin ka dhex wadaan Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan filaynaa in si dhaqso ah khilaafkaas loo soo afjaro ayuu yiri Nicholas Kay.
Hoos ka Dhagayso Waraysigii Nicholas Kay uu siiyey Idaacadda VOA-da oo dhamaystiran
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/2s0ci2xe0h/WaraysiVOAKay.mp3]A/cawaale
Halgan.net