Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya oo tegay Kismaayo
August 20, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya, Mohamed Ahmed Othman. Wafdiga Safiirka UAE ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxaa si weyn ugu so dhaweeyey madaxda maamulka Jubba waxaan uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda maamulka KMG ee Jubba gaar ahaan Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.
Ilaa hadda ma cadda u jeedka socdaalka Safiirka UAE Mohamed Ahmed Othman iyo wafdgiisu ay ku tageen magaalada Kismaayo balse warar soo baxaya ayaa sheegay in safirka uu doonayo in uu ka caawiyo maamulka Jubba arrimaha ku saabsan dhinac horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarka ciidanka.
Kulan ay si gaar ah u wada yeesheen Madaxweynaha maamula Jubba Axmed Madoobe iyo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Ahmed Othman ayaa saxaafadda dibada ka joogtay waxaan uu kulanku ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba ee magaalada Kismaayo.
Booqashada safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Ahmed Othman uu ku tegay magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaysa xili maalin ka hor socdaal ay ku tegtay Kismaayo Wafdi ay hoggaamineyso wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka askareynta carruurta, Leila Zerrougui.
A/cawaale
Halgan.net