Wafdi ka socda ururka IGAD oo gaaray magaalada Kismaayo
August 25, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo ee xrunta Gobolka Jubada Hoose wafdi ka socda ururka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Affey. Wafdiga IGAD ayaa waxaa kale oo la socda wakiilka Itoobiya ee IGAD General Gabre iyo Saraakiil ka tirsan ururka IGAD, Wafdiga IGAD ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaa ku so dhaweeyey madaxda maamulka Jubba.
Wafdiga IGAD ayaa waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba waxaa ay kulamo gaar ah la leeyihiin madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan axmed Madoobe, kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa qaabkii loo dhamaystri lahaa hishiiskii dhex maray maamulka Jubba iyo madaxda DFS.
A/cawaale
Halgan.net