Madaxweynaha dalka Djibouti oo isku day dil ka badbaaday
August 26, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imanaya Djibouti ayaa sheegaya in ay toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti, xili uu madaxweynaha dalka Djibouti Ismail Cumar Geele uu ka soo degayey garoonka Diyaaradaha ee dalka Djibouti
Toogashadan ayaa waxaa geystay askari ka mid ah ilaalada Garoonka Diyaaradaha waxaana ku dhaawacmay Dr Idiris Cabdi Galab oo ahaa dhaqtarka gaarka ah ee Madaxweyne Geele iyo Sarkaal sare ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Djibouti.
La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in madaxweynu uu goobta ka baxay toban daqiiq ka hor inta aan toogashadan aysan dhicin wuxuuna sheegay in asakariga rasaasta furay iyo Dr Idiris Cabdi Galab uu khilaaf u dhexeeyey.
Wargeysyada ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Jabuuti uu ka badbaaday shirqool lagu khaarajin lahaa
C/Casiis Maxamed
Halgan.net