Hay’adda CARE oo kulan balaadhan ku qabtay magaalada Laascaanood loogana hadlay Waxbarashada [Masawiro]
August 28, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Kulan balaadhan oo lagaga hadalayay kobcinata waxarashada goboladda sool iyo Cayn. Gaar ahaan waxbarahadda Gabdhaha iyo caruurta naafada ah ayaa maanta lagu qabtay Xarunta waxbarashada Diiniga ah Alfurqaan ee magaaladda Laascaanood. Kulankan oo Ay soo qaban qaabisay Hayadda Caalimga ah ee CARE International ayaa waxaa kasoo qayb galay, bulshada noocyadeeda kala duwan, sida, waalidiinta, mamulayaasha dugsiyadda, macalimiinta, ururada bulshada, culimaa-udiinta, ganacsato, guddoonka waxbarashada gobolka hay’adadaha calamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.
Kulan-Kani intuu socday waxaa kaqayb galayashu umahad celiyeen hay’da CARE International oo wax wayn kaqabatay wax -barashaday deegaanadaasi,waxaana laysla afgartay inlayska kaashado taageeridda iyo kordhinta wax barashadda hablaha iyo carrurta naafada ah ee aan helin wax barasho kufilan. Ugu horay kul nakan waxaa furay Abdiqani Abdullahi –Foxle oo ah masuul kasocday hay’ada CARE International, kana hadlay ujeedada Kulankan oo uu kutilmaayay inuu yahay kulan lagu taageerayo wax barashada caruurta gaar ahaan Hablaha iyo caruurta Naafada’ah, sidoo kale masuulkani waxa uu kudheeraaday taageera joogtada ah ee ay hay’ada CARE lagarab taagantahay bulshada Goboladan ku dhaqan oo ka dayacan dhanka wax barashada.
Masuulkan ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka go’antahay hay’adda CARE inay sii wadi doonto taageerada xaga wax barashada ah ee ay iminka ka wadaan Laascaanood iyo Bbuuhoodle sida dhismayaasha,Iskuulada dayactirka, qalabaynta, tababarada macalimiinta, Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Sh,Yuusuf Hayabe Maamulaha Xarunta waxbarashada Diiniga ah Al-furqaan ee magaaladda Laascaanood. oo ka hadlay guulaha ay ka gaadheen iyo sidii habalaha loo barilahaa aqoonta diiniga ah si ay guud ahaan bulshada u horomariyaan.
Waxaa halkaas hadal qiimo leh ka soo jeediyay Maamulaha Guud ee Dalada wax barashada Ilays Porf Cabdi Salaan Tungub oo sheegay in iskuulada ilays ay doonayaan in laga caawiyo qaabka wax loogu dhigo Caruurta naafadaha ah waxaana hay’adda CARE ka codsanaynaa in ay nagacaawiiso sidii aan wax ubarilahayn Caruurta Naafada ah. Sh. Mubaarag Dool oo ah gudoomiyaha naafada Gobolka sool ayaa halkaas ka hadlay waxana hadalkiisa ka mid ahaa.Qaybta aan matalayo waxaad moodaa inay yihiin kuwa ugu daran baahida iyo dhibtada waxbarasho ee nahaysata.
Mid kale Caruurta naafadaha ah waxa ay dhibaato kala kulmaan ardayda iskuulada dhigata. oo takoora markaa macalimiintu hakala hadlaan caruurta inaan aysan faquuqin caruurta naafada ah dhibta kale waxaa noogu daran goobaha waxbarashada oo qofka naafada ah soo gali karimaayo waayo uma samaysna in gaadhiga naafada aad lagasho. Sh.Mubaarig ayaayidhi Waxaan siwayn ugu mahad Celinayaa hay’da CARE International oo runtii goobaha waxbarashada ah u samaysay qabkii aan iskuulada u soogali lahay waana wax kudayasho mudan.
Shukri Yuusuf Cabdi Madaxa Hay,adda NPA, waxaa hadalkeedi kamid ahaa waxaan jeclaan lahaa cidkasta oo aqoon haysa in kor loo siiqaado waxbarashada caruurta naafadaha ah iyo hablahaba sidaas baan ka codsanayaa hay’da CARE International .
Gudoonka waxbarashada ee gobolka Sool ayaa guud ahaan ugu baaqay bulshda gobolada in lacaawiyo hablaha aan nasiibka u helin goobaha waxbatashada yo caruurta naafadaha ah kulan kan ayaa waxa ka soo qaybgalay sidii aan hore ku soo sheegnay bulsho aad u fara badan ku waas oo dhamaan tood halkaas hadalo qiimoleh ka soo jeediyay siwayna u Amaanay shaqada fiican ee ay bulshada u hayaan, masuuliyiinta hay’da CARE International oo Laascaanood iyo Buuhoodle ka dhisay iskuulo aad u fara badan kana waday Laascaanood iyo Buuhoodle barnaamijyo wax barasho oo baaxad leh si wayna looga faa iiday. dhawaana ay furi doonaan iskuulo cusub oo ku yaala Goobahaas.
no images were found
C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia