Dagaal culus oo ka socda deegaano ka tirsan gobalka Sh/Hoose
August 30, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka duulaan ku qaaday deegaano ka tirsan gobalka Shabellaha Hoose waxaana ay la wareegeen Deegaanka Golweyn. ciidanka huwanta ayaa ku sii jeeda degmada Buula-mareer sida uu VOA u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.
Dagaal xoogan ayaa waxaa uu haatan ka socdaa duleedka deegaanka Golweyn kaas oo u dhexeeya ciidanka DFS oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo ciidanka AL-Shabaab.
Ciidamada ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay ka soo dhaqaaqeen Degmada Qoryooley ,deegaanka Siinaay , waxaana ciidamadu ay duulaan ku yihiin Degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka DFS .
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay haatan ku sugan yihiin Deegaanka Golweyn, oo qiyaastii 15km u jirta Degmada Buulo Mareer.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.ayaa sheegay in gobalka Sh/hoose uu ka bilaawday howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ugu magac dareen Badweynta Hindiya (Indian Ocean)
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
C/Casiis Maxamed
Halgan.net