Sh Cabdi Qani Qorane oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe[Masawiro]
August 30, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maantay lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe intention Sh Cabdi Qani Qorane ka dib markii shil gaari oo uu galay uu arrimo caafimaad uu u aaday dalka Jarmalka. Sh.C/qani Qorane Maxamed waxaa ay soo dhaweynta loo sameeyey ay hayd mid heer sare ah ayna ka qayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiiradda ee Puntland, culimo’udiin gudoomiyaha gobolka Nugaal, Duqa magaalada Garoowe, Arday haween iyo mas,uuliyiin kale oo badan .
Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr.Sadiq Enow oo ka mid ahaa mas,uuliyiin tii ka qayb galay soo dhaweynta sheekha ayaa goobta ka hadlay waxaana Wasiirku yiri waa illah mahadiis hadii eebe noo soo celiyay Sh.Cabdi Qani Qorane Maxamed oo caafimaad qaba waxaana rajaynayaa in Sh Qorane uu mas,uuliyadii balaar nayd ee uu umada u hayay uu meesheedii ka sii wadi doone waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirkii hore ee maamul wanaaga dowladda Puntland Mudane Maxamed Cise Faarax Gaashaan waxaana uu qiray in aan la ilaawi karin kaalinta muga leh ee uu kaga jiro jiritaanka umada reer Puntland waxaana Wasiirku ku sifee yay in uu yahay Sh.Xabdabka u tumay In uu buuxiyo kaalintii Sh. Cabdul qaadir Nuur Faarax ee Ahayd in uu Jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal uu ka dhigo Maadada Caqiidada.
Wasiir Gaashaan ayaa waxaa uu eebe uga baryay in Sh Qorane iyo culimada kaleba noo daayo waxaana uu yiri sheekh waxaa maantay kusoo dhaweynaya kumanaan dadweyne ah oo ka mida ardaydaadii aniga ayaana ugu horeeya waxaan ka mid ahay ardaydii kaa qaadatay cilmiga sidaas waxaa yiri Wasiikii Hore ee maamul wanaaga Dowladda Puntland Mudane Maxamed Farax Ciise Gaashaan .
Ugu danbayntii waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Cabdi Qani Qorane waxaa uu sheekhu ugu horaynba umahad celiyay Eebe weyne ka dibna waxaa uu u mahad celiyay dhamaan dadweynihii soo dhaweeyay waxaana uu eebe uga baryay in illah miisaanka xasanaadka u saaro waxaana uu u jeediyay kalimado dardaaran iyo bogaadinba is kugu jirta waxaana sheekhu yiri eebe waa idinka aqbalay ducadiinii waana caafimaaday waana idiin soo noqday waana wada joogaynaa waxaana sheekhu ugu baaqay dadwenihii halkaas is kugu soo baxay in ay kawada shaqeeyaan mid nimadda iyo horumarka dintooda iyo dalkooda waxaana sheekhu sigaara ugu mahad celiyay madaxweynaha dowladda Puntland Prof Cabdi wali Maxmed Cali Gaas Waxaana Uu sidoo kale u mahad celiyay dhamaan culimadii iyo dadweynihii ducada la dabataagnaa waxaana uu yiri eebe miisaanka xasanaadka ha idiin saaro . Ka dibna waxaa sheekha loo soo galbiyay guriga uu ka dagan yahay magaalda Garowe.
no images were found
Nuur Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe
Nuurjaamac21@gmail.com