Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo Dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Shabeelaha Hoose
October 1, 2014 - Written by EditorBuulo Mareer :-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Buulo Mareer ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM uu ka socdo halkaas waxaana shalay gaaray Degmada Buulo Mareer ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo lagu xoojiyey kuwii horey u joogay Buulo Mareer.
Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in ay ku jiraan diyaargarow ay doonayaan in ay ku qabsadaan Degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Al-Shabaab .Dadka deegaanka Buulo Mareer ayaa u sheegay saxaaafada inay arkayeen gawaarida gaashaaman oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo u saaka u jiheystay dhanka Degmada Baraawe.
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka gaareen tuulo lagu magacaabo Maryan-guubaay ee duleedka Degmada Buulo Mareer.
Saraakiisha Ciidanka DFS ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baraawe oo ah Saldhiga ugu weyn ee ay Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose. Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo baaritaano ah ka sameeyey tuulo lagu magacaabo Maryan-guubaay ee duleedka Degmada Buulo Mareer oo ay saaka la wareegeen.
A/Cawale
Halgan.net