Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo hambalyo u diray Umada Soomaaliyeed

October 3, 2014 - Written by Editor

jawaariMuqdisho:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidda Carafo ama Ciidul Adxa.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri Mudaneyaal dhammaan muwaadiniinta shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa lasoo gaaray Ciidda Carafo oo maanta la joogo, mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatay waxaanna Alle ka baryeynaa inuu Ciidaan ciideeda nagu gaarsiiyo ciid ka wanaagsan,ka nabad fiican,kana barwaaqo badan”

“hor iyo horaan waxaan jeclahay inaan Alle SW uga mahad celiyo in Ciidan iyo Ciidii hore aanay isku mid aheyn, sanadkii hore meel ayaan joognay waxaan Alle ka barinay in Ciidaan uu Ciid taasi ka wanaagsan nooga dhigo,
Al-Xamdulillah maanta waxaan joognaa Ciid ka waangsan Ciidii hore, waxaanna Alle SW ka baryeynaa Mustaqbalka soo socda nimcada uu na siiyeyinuu noo kordhiyo nabad iyo amni,bash bash iyo barwaaqo,hantideenna oo aan
lasoo baxno inuu Alle noo kaso” ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

“shacbiga waxaan ugu hambalyeeynayaa hadalka idinku badin maayo Hambalyo inaan u diro meel kasta oo ay joogaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ha noqdaan kuwa Dalka jooga ama kuwa dibadda jooga waxaan leeyahay
HAMBALYO,HAMBALYO,HAMBALYO Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak”.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online