Ra’iisal Wasaaraha DFS Cabdiwali Sh.Axmed oo safar ku imaan doona Puntland
October 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sh.Axmed ayaa la filayaa in dhawaan uu booqasho ku gaaro magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntand. Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi wali Sh.Axmed ayaa dhowr jeer arrimo farsamo darteed dib uga dhacay safar uu u imaan lahaa magaalada Garoowe walow hadda la filayo in arrimahaas ay xalismeen.
Madaxda ugu saraysa ee dowladda Puntland ayaa magacaabay gudi ka kooban wasiiro oo qayb ka noqon doona soo dhaweynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh.Axmed oo la flayo in uu Puntland soo gaaro maalinta JImacaha ama Sabtiga 11 Septembar 2014.
Xiriir aan la samaynaya wariye ku sugan Garoowe ayaa noo sheegay in magaalada Garoowe laga sugayo wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed balse aan ilaa hadda si rasmi ah aysan dowladda Puntland u shaacin waqtiga uu Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sh.Axmed uu imaanayo Garoowe.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh.Axmed ayaa waxaa la filayaa in madaxda dowladda Puntland ay kala hadli doonaa khilaafka u dhexeeya DFS iyo Puntland kana dhashay maamul u samaynta gobollada dhexe, Heshiisyo ay Puntland horay u wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aa ilaa hadda wax badan aysan ka dhaqan gelin.
M_M_Deeq
Halgan.net