Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo gaaray Degmada Cadalle
October 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray Degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha dhexe, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliinta maamulka gobalka Shabellaha dhexe iyo dadweyne aad u tiro badan.
Degmada Cadalle ayaa waxaa la wareegay isbuuc ka hor ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxaana aad loo adkeeyey amaanka Degmada Cadalle .
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Cadalle wuxuuna ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka ee DFS.
Wafdiga Madaxweynaha DFS ayaa waxaa la filayaa sidoo kale in uu isla maanta booqdo qaar ka mid ah degmooyunkii laga saaray kooxda Al-Shabaab.
Wixii warar ah ee ku aadan booqashada Madaxweynaha DFS dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah
A/Cawale
Halgan,net