Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si weyn loogu soo dhaweeyey Baran
October 20, 2014 - Written by EditorBaran:-Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka waxaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey duleedka mgaalada Baran, Issimo , Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Nabadoono iyo waxgarad kale.
Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse yaa waxaa uu marti qaad ka hellay Suldaanka beel weynta warsangeli oo ku sugan Baran, waxaan ay yeelan doonaa kulamo gooni gooni ah oo ka dhaci doona magaalada Baran loogna hadli doono arrimo badan oo dhaqanka iyo beelaha sidda wadaaga u dhistay Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Jaamac Ciyoon oo hogaaminayey soo dhowayntaas Balaaran ee loo sameeyey Wafdiga Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in reer Sanaag ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan Boqor Burhaan iyo wafdiga la socday.
Dhinac kale Generaal Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa waxgaradkii kaga soo horeeyey Boqorka magaalada Baran ayaa uga mahad celiyey dadweynaha reer Baran soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey wafdiga Boqorka iyo waxgaradkii kale ee yimid magaalada.
Boqorka beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isna ka hadlay goobta lagu soo dhaweeyey ayaa sheegay in mahad balaaran uu u jeedinayo dadweynaha ku noolm gobolka Sanaag oo iyagu uu sheegay in gobolkoodu uu yahay gobol ay ku weyn tahay dhaqan ahna gobol facweyn.
M_M_Deeq
Halgan.net