Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo gaaray magaalada Baydhabo
October 28, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Wafdi uu hogaamiyaho Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayna ka mid yihiin 2 gole ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa saak gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay. Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Barlamaanka Prof.Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari iyo dadweyne fara badan iyadoo dadweynuhu ay safnaayeen jidka u dhexeeya garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo xarunta uu ka socdo shirka lagu dhameystirayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa gaaray magaalada Baydhabo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay , Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey, Midowga Yurub iyo xubno kale oo ka socda beesha caalamka.
Shirka ayaa maanta waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud isagoo ugu baaqay ergada ka qayb galaysa shirka isku duubni, iyo in la dedejiyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo loo dhisayo Gobollada Bay,Bakool iyo Shabellaha Hoose.
A/cawaale
Halgan.net