Jaaliyada Soomaaliyeed ee Copenhagen oo deeq gaarsiisay gobalka Gedo.(Masawiro)
October 28, 2014 - Written by EditorGedo:-Gedo:-Shabakada Wararka Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray Masawiro hordhac ah oo muujinaya gurmad iyo deeq ay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Copenhagen ay gaarsiiyeen gobalka Gedo oo ay abaaro daran ku dhufteen .
Jaaliayada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Copenhagen ayaa deeq lacag ah oo gaareysa 12230 USD ah gaarsiisay gobalka Gedo waxaana ay lacagta marsiisay Musasat Al-Raxma waxaana ka mid ah goobaha biyo dhaamiska iyo gurmadka laga sameeyey deegaanada kala ah.
1-Dhamase iyo Nawaaxigeeda
2-Buurdhuubo iyo Nawaaxigeed
3-Geriley iyo Nawaaxigeeda
4-Luuq iyo Nawaaxigeeda
5-Balad xaawo iyo Nawaaxigeeda
Shacabka ku dhaqan goobaha kor ku xusan ayaa mahad balaaran u celiyey Jaaliyada Soomaalyeed ee ku dhaqan magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark waxayna alle uga baryeen in uu ka abaal mariyo iyaga oo codsaday in la wado gurmadka loo fidinayo walaalaha Gobalka Gedo oo ay abaaraha ku dhufteen.
no images were found
Gurmadka Abaaraha ee gobalka Gedo ayaa waxaa uu si xowli ah uga socdaa dhamaan gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya waxaana hurmuud ka ah gurmadka Abaaraha gobalka Gedo Musasat Al-Raxma oo howlo balaaran ka qabatay gobalka Gedo.
Hoos ka Daawo Warbxinta Deeqa Jaaliyada Denmark ay gaarsiiyeen walaalahooda gobalka Gedo.
Musasat Al-Raxma
Gedo
Halgan.net