Raisulwasaare Cabdiweli Sh oo Ka tacsi u diray Ehelada taliyihii Booliska DFS

October 30, 2014 - Written by Editor

yuulkaRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo si kadis ah galabta ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii asxaabtii iyo Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Soomaaliya isla markaana qeyb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka booliska.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Wasiiro ah oo ka kooban shan (5) oo beeritaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Waxayna kala yihiin.
1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)
4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoona wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online