Mu’asasada Al-Karam oo Safar Dacwadeed ka sameysey Degaamo ka tirsn Gobolka Cayn.[Masawiro]
December 4, 2014 - Written by EditorBuuhoodle:-Mu’assada Al-Karam faraceeda Gobolka Sool ayaa wxaa ay ka bilowdey Deegaamda ka tirsan Gobolka Cayn Safar Dacwadeed (Jawlo) , Iyadoo ay Safarkaan Dacwadeed Mu’asasadu ku gudbineyso Duruus iyo Siminaaro kala duwan oo dhinac Maamulka , Faafinta Dawacada , iyo in dadka reer Miyiga ah la baro Diintooda iyo Waajibaadka Alle ka saarey Diintisa.
Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Karam ahna Madax Xafiiska Dacwada Gobolka Sool Sh Axmed Maxamed Suleymaan oo Hogaaminayey Rixlada ama Safarkan ayaa isaga iyo Culimo ay ka mid yihin Sh Dr Maxamed Fidhin , Sh Saciid Muuse Xaaji Nuur ,iyo Eng. Siciid Biyo Cantuug waxey Safar Dacwadeed ku marayaan Deegaamada Widh Widh , Buuhoodle , Qararo iwm .
Culimda ayaa inta ay Safarkooda ku guda jiraan siin doonaan Sinimaro Tabararo Macalinimo , iyo Muxaadarooyin ay ku wacyi gelinayaan Ardayda wax ka barata Deegaamada Gobolka Cayn ka tirsan . Subaxnimadii Khamiista illaa Habeenimadii waxey bixiyeen Sinmaaro, Muxaadarooyin , iyo Wacyi gelin ku aadan Dhinaca Tarbiyada Nafta , Alle ka cabsiga , iyo dhiiri gelinta Barshada Diinta Islaamka .
Magaalada Buuhoodle oo ah Xarunta Gobolka Cayn Waa Magaalo Taariikh iyo Magac ku leh Gayiga Soomaaliyeed , Waxaa Magaalada ka jira Hawlo Dacwadeed oo ay ka wadaan Culimada Gobolka Cayn iyo Culimada Gobolka Sool Sida Shiikh C/Naasir Xaaji Axmed Sh Axmed Maxmed Suleymaan iyo Culimo Kale.
Subxnimadii Saaka wxay Culimadu ka bixiyeen Muxaaadaro qiimo badan Iskuulka Hoose Dhexe ee Deegaanka Widh Widh , iyagoo ardyada kala hadley Qiimaha Waxbarashada , Usama Falka Waalidka iwm
no images were found
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Buuhoodle Gobolka Cayn Somalia