Ciidanka dalka Kenya ,DFKM iyo Raaskaambooni oo qabsaday Afmadow

May 31, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ciidamo huwan ah oo ay hogaaminayaan ciidanka dalka Kenya ay qabsadeen degmada Afmadow ka dib markii ay saaka 11.00 subaxnimo ay ciidanka Al-shabaab  ka baxeen magalaada iyagoo u dhaqaaqay  duleedka magaalada.

Ciidanka huwanta ah ayaa  saaka ka soo dhaqaaqay degaanka Qooqaani  balse dagaal ayaa ku qabsaday degaanka Xayo walow markii danbe ay u suurto gashay in ay u soo talaabaan dhinac degmada Afmadow. Cabdinaasir Seerar oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka Raaskaambooni oo saaka saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ciidankoodu ay  ka soo dhaqaaqeen degaanka Qooqaani ayna soo mareen degaanka Xayo  wax dagaal xoog lehna aysan la kulmin ayna hadda ciidankoodu dul fadhiyaan degmada Afmadow.

Cabdinaasir Seeraar ayaa qiray in ciidanka dalka Kenay ay qayb ka yihiin dagaalka oo ay gacan ku siinayaan in dhamaan  Gobolka Jubada Hoose ay ka qabsadaan ururka Al-shabaab oo in mudo ah ka talinayey Gobolka Jubada Hoose .

Ciidanka huwanta oo ka kooban ciidanka dalka Kenya, ururka Raaskaboon oo uu guddoomiye u yahay Axmed Madoobe , ciidanka DFKM ayaa hadda ku sugan gudaha magaalada waxaan ay magaalada ka dhex samaysteen fariisamo dhowr ah. Degmada Afmadow ayaa ah degmo muhiim ah  waxaan ay u jirtaan magaalada Kismaayo ilaa 120 KM.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online