Barmaamijka ciidaynta Agoonka oo lagu qabtay Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee Qardho.[Masawiro]

July 27, 2014 - Written by Editor

11Qardho:-Waxaa Maanta 28 ramadaan lagu soo gabagabeeyay Masjidka Cumar binu Khadaab ee magaalada Qardho Mashruucii ciidsiinta Agoonta ee ay soo qabanqaabisay Mu’asasada Al-minhaaj ee magaalada Qardho, gaar ahaan maamulka masjidka Cumar binu khadaab. Mashruucaas oo ahaa mid lagu gudoonsiiyay agoon kasta lacag gaaraysa $30, waxaana ka faa’iidaystay agoon gaaraysa 500 oo isugu jira Gabdho iyo wiilal.  Mashruucaan waxaa isu taagay hirgalintiisa: Sh Fuad Maxud Xaji Nur iyo Sh Badar Xabiib Jaamac, ayada oo ay fulintiisa ay ka qaybqaateen rag kale (ilaahay haka Abaalmariyee).

Mashruucaan oo sadex sano ka hor uu bilaabay Sh.Fuad, ayaa hakad galay sanadkii hore, kadibna wuxuu bilowday bishaan barakaysan ee aynu ku jirno. Lacagta mashruucaan ku baxday ayaa waxaa laga uruuriyay dadka ku tukada masaajdka Cumar Binu Khadaab. Sidoo kale waxaa Fuliyay barnaamijkaan mid la mid ah, gabdhaha markaska Khadiija oo ciidsiiyay 50 Agoon ah. sidaa awgeed waxay waadarta ciyaalka agoonta ah ee la ciidsiiyay noqonaysaa 550.

Waxaa mashruucaas ka horeeyay mashruuca afurinta Qoysaska faqiirka ah oo lagu qabtay masaajdka cumar binu khadaab oo ay ka faaiidaysteen in ka badan 330 qoys oo qoys kasta la gudoonsiiyay raashin qiimeheedu le’egyahay $50. labadaan mashruuc ee masaajidka laga hirgaliyay bishaan Barakaysan gudeheeda ayaa waxaa bixiyay lacagtii ku baxday dadka ku tukada masaajidka Cumar binu khadaab. ilaahay haka ajar siiyo.

no images were found

Mu’asasada Al-minhaaj
ee magaalada Qardho

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online