Golaha Isutaga Masaajidda ee W/Maraykanka oo Tahniyada Ciida u diray Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida

July 29, 2014 - Written by Editor

c-logo1-300x2861Golaha isutaga Masaajida wuxuu u dirayaa umada islaamka ah,gaar ahaan umada soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan Tahniyad ku aadan Ciidul Fitriga Sanadkan wuxuuna leeyahay( CiidukumulMubaarak), Sanadwalbana wax uu urajaynaynaa qayriyo barwaaqo dhamaan umada islaamka ah.

Intaa kadib Goluhu wuxuu u dardaarmayaa Umada islaamka ah gaar ahaan Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaanba

1. In la xoojiyo ku xirnaanta illaahay,lana wanaajiyo xiriirka Rabi,sidii la ahaa bisha ramadaan in la sii wado oo aanan cibaadadkii halkaa looga harin.

2. In Illaahay loo toobadkeeno,cafisnarabi la waydiisto,siguudna la isucafiyo.

3. In laga waantoobo cuduradana baabi’iyay aduuniyo aakhirana seejiyay oo ay ka mid yihiin  Qabyaalada,Xaasnimada,Dhaca iyo Boobka IWM.

4. Goluhu Sigaar ah wuxuu ugu dardaarmayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha inay ku dadaalaan isku duubnaanta, kana fogaadaan waxyaabaha dhaawaca ay midnimadooda,iyo danta guud ee jaaliyada.

5.Goluhu wuxuusidoo kale sigaar ah ugu dardaarmayaa jaaliyadasoomaaliyeed ee ku nool qurbaha inay ku xirnaadaan Masaajida iyo Maraakista Islaamiga ah ee ku yaalo Qurbaha,si ay uga bad baadaan dhaqamada xun xun ee loogu yimid wadamadaan qurbaha ah.

6.Goluhu wuxuu u dardaarmayaa dhalinyarada soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan dhalinyarada ku nool qurbaha, inay ka fogaadaan fikradaha qaloocan ee loo ekaysiiinaayo diinta islaamka, laguna halaagaayo diinta iyo naftaba, fikradahaas oo aan sal ku lahayn diinta islaamka.
 

GUDOOMIYAHA GUDIGA FULINTA EE GOLAHA ISUTAGA
MASAAJIDA EE W/MARAYKA.
SH. ABUL-FADLI MINNEAPOLIS

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online