Golaha xukuumadda Puntland oo shir uu uga socdo xarunta madaxtooyada ee Garoowe

July 31, 2014 - Written by Editor

plGaroowe:-Waxaa caawa la filayaa in kulan deg deg ah uu ka dhaco xarunta madaxtooyadda ee Puntland kulankaas oo ay iskugu imaan doonaa xukuumadda Puntland uuna shir gudoomin doono Madaxweynaha dowladda Puntand Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas. Kulanka ka dhacay caawa xarunta Madaxtooyadda ee dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa lagu falaqayn doonaa maamul shalay la shaaciyey in loo samaynayo Gobollada dhex ee dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ilo wareed noo sheegeen in wax la iska wiidiin doono xadka uu yeelanayo maamulka cusub ee loo samaynayo gobollada dhexe lagan samaynayo Gobolka Mudug iyo Galgaduud walow degaanada Jariiban ,iyo Galdogob oo ka tirsan Gobolka ay ka taliyaan maamulka Puntland halka degaanada Xarardheer iyo Hobyo ay ka taliyaan maamulo kale.

Ilaa hadda ma cadda warka ka soo bixi doona Madaxda Puntland  balse dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee is diidan waxay sheegayaan in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay culus badan uu ka haysto maamulka Koonfur Galbeed oo ay dhawaan dhiseen sidaas darteedna ay doonayso in culuska siyaasiyiinta ka soo horjeeday maamulkaas ay ku mashquuliso maamulkaan cusub ee laga dhisayo Gobollada dhexe

Maamulka cusub ee loo dhisayo gobollada dhexe ayaa durba waxaa ka soo horyimid kooxda Suufiyadda ah  iyo maamulka Ximin iyo xeeb, wararka kale ee soo baxay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed   iyo Madaxweynaha DFS Xassan Sh. Maxamuud aysan isku aragti ka ahayn magac la siinayo maamulka gobollada dhexe.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online