Heshiiskii Maamul u sameynta Gobolladda dhexe ee Soomaaliya oo laga horyimid.[Dhagayso]

July 31, 2014 - Written by Editor

SaxiixayaalMuqdisho:-Heshiiskii shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee Maamul usameynta Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa uu la kulmay mucaaradkii ugu badnaa waxaana heshiiska diiday Madaxweynaha Ximan & Xeeb Cabdullaahi Maxamed Cali (Baarleex). Waxaa sidoo kale diiday Guddoomiyaha Guddiga fulinta kooxda la baxday Ahlu-Sunnah Waljaamac (Suufiyada) Sheekh Cabdirisaaq Ashcari wuxuuna ku tilmaamay heshiiskii shalay mid aan sax ahayn wuxuuna sheegay in aysan waxba ka ogeyn .

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb C/llaahi Maxamed Cali Baarleex

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/xk52muqnth/baarleex.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Guddoomiyaha Guddiga fulinta kooxda la baxday Ahlu-Sunnah Waljaamac Sheekh Cabdirisaaq Ashcari ayaa sheegay in wax wadatashi ah aan lagala sameyn heshiiska maalintii shalay lagu soo bandhigey Muqdisho dadweynaha dega gobalad Galgaduud iyo Mudug.

Hoos ka Dhagayso Guddoomiyaha Guddiga fulinta kooxda la baxday Ahlu-Sunnah Sh.Cabdirisaaq Ashcari 

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/x3d5634hsk/ashcari.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Dhanka kale waxaa maanta banaanbax uu ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka  Ximan & Xeeb kaas oo lagu diidan yahay Heshiiiska shalay lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho. Heshiiska shalay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda DFS oo uu horkacayo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ,Ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh iyo xubno ka tirsan beesha caalamka waxaana ka mid ahaa  SafiirMichele Cervone Ergeyga gaarka ah ee Midowgo Yurub ,Ergeyga  Urur Goboleedko IGAD Sefiir Muhemmed Affey,Wakiilka Xoghoyaha Guud ee Qaramoda Midoobay  Nicholes Key,Siihayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyoho Komishanko Midowga Afrika Merwo Lydie Wenyoto Mutende. Khilaafka uu dhaliyey heshiiska shalay lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho ayaan la aqoon saameynta uu ku yeelan doono dadweynaha degan Mudug iyo Galgaduud.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online