Madaxweynaha DGPL Dr.Gaas oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNFPA ee Puntland.[Masawiro]

July 19, 2014 - Written by Editor

IMG_3406Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kullan kula qaatay Madaxa Xafiiska UNFPA  ee Puntland Mr Bakhtior Kadirov  Qamar iyo Mrs Baxsan Axmed Siciid oo ah Madaxa Jinsiyada iyo Dhalinyarada ee Hay’adda UNFPA.Kulankaan ayaa waxaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Mudadii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayen Dar Dar galinta Mashruuca Tirakoobka Puntland,Isbitaalka Garoowe oo dhawaan laga furayo qaybta dhalmada iyadoo loo samaynayo olole looga hortagayo Dhimashada Hooyooyinka Umul Raaca. Hay’adda UNFPA ayaa siweyn uga qayb qaadatay Horumarinta Dhalinyarada Puntland,iyadoona gacan weyn ka gaysatay Ciyaarihii Gobolada Puntland ee Dhawaan ka qabsoomay Magaalo Madaxda Puntland Garoowe.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online