Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo si weyn looga Ciiday.[Masawiro]

July 28, 2014 - Written by Editor

ciid5Boosaaso:-Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn Puntland, Inkastoo Masaajiyadda Bosaso saladda ciida lagu tukaday, haddana dadwayne aad u faro badan ayaa salaada ciida oo ku tukaday garoonka kubadda cagta Bosaso waxaan Salaad ciida ka soo qayb galay waxana ka mid ahaa dadkii halkaa ku tukaday maamulka Gobalka, kan degmada, Culimo udiinan, iyo dadwayne aad u fara badan.

Maamulka gobolka,kan degmada iyo Culuma’udiinka magaaladda ayaa dadweynihii ku tukaday Salaadii Ciida garoonka ku bada cagta halkaas kula hadlay.Shiikh Maxamed Macalin oo kamid ah Culuma’udiinka ugu waa weyn Puntland oo ugu horeyn la hadlay shacabka ayaa sheegay in dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynayo farxada Ciida, sidoo kalana kula dardaarmay inay acmaashii wanaag sanayd ee ay bisha ramadaan soo sameeyeen ay siidaa imaan.

Sidoo kale shiikha ayaa uga baryay dadwaynaha in alle ciidaan ciideeda ku gaarsiiyo amni iyo iygoo acmaal wanaagsan ku dhex jira. Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo isaguna ka hadlay madasha ayaa bulshada ku dhaqan magaaladda Boosaaso ugu hambalyeeyey munaasabada Ciida,wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in maanta oo kale is cafiyaan cid kasta oo wax kala tabaneysa, sidoo kalana dadka ku booriyay inay wax istaraan maalintaan farxada badan.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdirixmaan Cali Cabaas(Muslim) ayaa xusay in bulshadda looga baahanyahay iney adkeeyaan ammaanka ,wuxuuna ammaan u jeediyey shacabka sidda wanaagsan ay laamaha amniga ula shaqeeyaan. Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo isagu hadalka soo gunaanaday ayaa isna dhankiisa faraxada munaasabadan u diray dhammaaan Ummada Soomaaliyeed,wuxuuna EEBE uga baryey in Ciida teeda kale farxad ku gaarsiiyo. Isku soo wada  duuboo munaasabada ciidul fidriga ayaa maantay waxa ay u dhacday si heer sare ah, iyadoo ay dhamaan dad waynaha boosaaso ay halmar wada ciideen.

no images were found

Muss’adda Minhaaj
Bosaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online