Mu’asasada Al-minhaaj oo soo gabagabeysay tartankii qur’aan akhriska ee ahaa heer Puntland.[Masawiro]

July 20, 2014 - Written by Editor

DSC00618-CopyGaroowe:-Tartankaan oo saddexii maalmood ee ugu ka socday masjidul Alhuda ee magaalada Garowe ayaa lagusoo gabagabeeyay xaflad lagu abaal marinayay ardaydii kaalimaha hore ka galay tartankaa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta dowladda Puntland Ismail Maxamed Warsame, gudoomiyaha gobolka Nugaal mudane Cabdi Qani Xaashi Cali, culimo awdiin, xubno ka mid ah maal galiyayaashii tartanka waxgarad , gudiyadii abaabulayey tartanka madaxa mu’assada al minhaaj ee Puntland iyo boqolaal shacab ah.

Maxamed C/laahi Cabdalle oo ahaa xubin ka mid ah qabanqaabiyaasha tartanka ayaa sheegay tartankaan inay ka qayb galeen 34 arday oo ka kala yimi 12 degmo , waxa uu sheegay inay ka koobnayeen dadka ka qayb galay taaba gelinta tartanka oo kala ahaa arday,macalimiin, gudiga garsoorka, gudiga qabanqaabada,ku hawlanayasha degaanka iyo cunada,u kuur galayaasha amniga,iyo adeegayaasha kale waxa ay gaarayeen 87 xubnood, isaga oo sheegay inay taageereen tartankaan oo ay maalgeliyeen,dhinacayada kala Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas,shirkada isgaarsiinta ee Golis,shirkada barwaaqo, shirkada isgaarsiinta ee Somtel, salaama bank,xalwo kismaayo, shirkada dawada Tawba, iyo kuwo kale oo badan isla markaana bogaadiyey bixinta maalkooda.

Waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyada ku baxday tartanka ay dhamayd $20,267

Waxa uu talo soo jeedin u diray dhinacyada kala ah dawlada,mu’asasada alminhaaj,waalidiinta,macalimiinta,ardayda kulana taliyey sida ugu haboon ee loo horumarin karo tartanadaan.ugu danbayn waxa uu u duceeyey dhinacyadii maal geliyey tartankaan.

Gudoomiyaha mu’sasada al minhaaj Maxamed maxmuud Ciise oo isna dhan kiisa tilmaamay in ay aad ugu farax san yihiin tartan kaan iyo sida wanaagsan ee uu usoo dhamaaday waxaana gudomiihu balanqaaday in ay sii wadi doonaan tartaankaan islamarkaasna ay sii balaarindoonaan.

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Yuusuf jaamac degel oo ka mid ah waxgaradka magaalada Garoowe ayaa xaflada ka hadlay sheegayna sida uu manta dareenkiisu yahay iyo inuu diyaar u yahay ka qayb qaadashada tartamadaan oo kale ah bogaadiyeyna ardayda ku tartamaysan qur’aanka Eebbe isaga oo ugu baaqay shirakaadka hada wax bixiyey inay sii laba laabaan.

Cumar Ciise Maxamed oo ku hadlay magaca maalgeliyayasha kana socday shirkada golis ayaa amaanay sida uu ku dhamaaday tartanku iyo natiijooyinka ka soo baxay balan qaadayna inay sii joogteeyaan maalgelintisa.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal mudane C/qani Xaashi Cali ayaa isna aad u amaanay sida tartanku u socday iyo sida uu ku dhamaaday bogaadiyena tartamayaasha .

Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arimaha diinta dowladda Puntland mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa aad ugu dheeraaday kaalinta ay dawladu kaga jirto taaba gelinta iyo dhiirigelinta tartamada noocaan oo kale ah, Wuxuna ugu baaqay bulshada inay iyaga iyo dawladoodu marwalaba sidaa oo kale isaga kaashadaan hawlaha khayrka ah.

Ugu danbayntii waxaa lagu soo dhoweeyey xubin ka mida gudiga qaban qaabada Sh.Axmed Yuusuf Daad oo akhriyey natiijooyinkii iyo kaalimihii ay kala galeen ardaydii tartamaysay isaga oo u yeeray wasiirka wasaarada cadaalada iyo awqaafta,iyo maamulaha mu’asasada al Minhaaj inay gudoonsiiyaan abaal marinta ardayda . waxana loo yeeray ardaydii kaalimaha hore galay kuna tartamay 30jus iyo 20 juz waan sidaan:-

Hoos ka eeg  Magaca ardayga Magaalada Dugsiga Natiijada Kaalinata Abalmarinta ay helleen:-

Ardayda kutartamaysa 30jus

1. Xamse Ahmed Cabdale Carmo Ibnubaas 99.5 1Aad $3000

2. Xamse Iman Yusuf Bosaso Darul biri 98 2Aad $1200

3. C/Rashid Maxmaed Farax Qardho Darul Qur,an 95 3Aad $1000

Ardayda kutartamaysa 20jus

1 Ibrahim deeq barkhadlle Boosaaso Darul qur,an 98.5 1Aad $800

2 Maxamed Axmed Cali  Ufayn Darul biri 98 2aad $600

3 Maxamud Siciid Bashiir Carmo Darul biri 97.5 3Aad $500

Ardayda kutartamaysa 10jus

1 Barkhad Saalax Cali Carmo Ibnu baas 100 1Aad $600

2 C/lle Maxmed C/lle Bosaso Darul Biri 99.5 2Aad $400

3 C/raxman Cali C/qadir Qardho Daru Sacada 99 3Aad $350

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj

 

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online