Raisulwasaaraha DFS oo ka tacsiyeeyey geerida Saado Cali Warsame

July 23, 2014 - Written by Editor

cabdiweliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, ka tacsiyeeyey dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah maanta ku toogteen magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa falkan ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo looga golleeyahay in lagu wax yeelleeyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Cabdiweli ayaa sheegay in kuwa dilkan ka dambeeyey ee gacmaha dhiigga ku leh la dabageli doono ilaa caddaaladda la horkeeno.

“Maanta waxaan dhammaanteen ka murugaysanahay dilkan oo ah xadgudub kale oo lagu soo qaaday dowladnimada Soomaaliya. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhimatay Xildhibaanad Saado Cali Warsame,Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Firdowso. ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sii raaciyey ” Saado Cali Warsame waxay ahayd Xildhibaanad qaran kana mid ah fanaaniinta ay dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyad iyo dal jacayl” ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in qof kasta uu dhimanayo, geeriduna ay tahay mid xaq ah. isagoona tilmaamay in ay geeriyootay xili lagu jiro tobankii ugu khayrka badnaa bisha barkaysan ee Ramadaan.

—DHAMAAD—
Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online