Sidee looga ciiday magaalada Columbus ee gobolka Ohio[Masawiro]

July 29, 2014 - Written by Editor

1Ohio:-Maanta oo ah maalin isniin ah bisha july 28, sanadka 2014 waxaa isugu soo baxay salaaddi ciidul fidriga kumanaan qof oo ka mid dad weynaha muslimiinta ah ee ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio.  Ciidaa oo uu soo qabanqaabiyey Masjidka Ibnu Taymiya oo ah Masjidk ugu weyn ee magaalada, iyadoo dadki musaliinta ahaa loo goglay barxadda masjidka iyo dhammaan meeshii baabuurta la dhiganayey.

Dad weynaha muslimiinta ah oo soo dhamaystay bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa isa salaamayey isna mucaanaqaynayey salaaddi ka dib iyaga oo aad u faraxsan oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad iyo rayrayn fara badan.

Salaada ciida ayaa waxaa la tukaday laba jeer waxaana salaadda koowaad tujiyey Imaamka Masjidka Sh. Adam Sh. Cabdulle, iqyadoo salaadi labaadna uu tujiyey Imaam ku xigeenka masjidka Sh. Mukhtaar Ibraahim.

Salaadda ka dib ayaa waxaa barxadda masjidka la soo dhigay qalab fara badan oo kala duwan oo ah qalabka ay ku ciyaaraan dhalinyarada iyo caruurta si aysan ugu baahan in meel kale ay aadaan iyadoo waalidiinta ilmaha dhalay ay tallaabadaas masjidku qaaday aad ugu farxeen ugana mahad celiyeen.

Masjidka ayaa sanad walba ciidaha caruurta ugu diyaariya barxada masjidka qalabka ciyaaraha ee kala duwan si ay farxaddooda u dhamaystirtaan, waalidiintuna uga nastaan inay inay ilmaha u kexeeyaan meelo aan ku haboonayn in ilmaha la geeyo.

Waxaan dhammaan umada muslimiinta ah meel kasta oo ay aduunyada ka joogaan u rajaynaynaa ilaahayna uga baryaynaa guul iyo nasri iyo in allaah SW ciidda teeda kale ku gaarsiiyo Guul, nasri iyo immaan sax ah.

no images were found

Maamulaha masjidka Ibnu Taymiya.
Itmasjid.com

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online